SEMINFINAL ARGENTINE VS PARAGUAY AMERCUP 2015

(DBL)-ciyaartii semifinalka ee koobka Amerika 2015 ayaa waxay dhexmartayxulka Argentine iyo xulka Paraguay. Ciyartanoo ay aad u gacan sareeyeen kooxda argentine waxay ku soo dhamaatay 6:1 ay guushu ku raacday dalka Argentine.

Bal daawo ciyaartii isla America cup ee ay labadan kooxood isla dhaafi waayeen labo iyo labo.

 

CHAMPION LEAGUE BARCELONA VS JUVENTUS 2015

(DBL)-Waxaa axalay foodda isdaray labada kooxood ee Barcelona iyo Juventus. Labadan kooxood oo isku soo baxay ciyaartii kama dambeysta aheyd ee  koobka Champion League. Ciyaarta xalay oo aheyd mid aad u heer sareysa, xamasadina ay ku dheehan tahay, waxay labaduba soo bandhigeen ciyaar fiican. Kooxda Barcelona  oo run ahaantii aad uga sareysay xagga ciyaarta Juventus ayaa waxay guushu ku raacday 3 iyo hal gool kooxda Barcelona.

CHAMPION LIGUE CHELSEA IYO PSG EE LONDON

(DBL)-Ciyaartii xalay ku dhexmartay Lodon kooxda Chelsea iyo PSG ayaa aheyd ciyaar aad loola yaab gaar ahaan xagga garsooraha dhexe. Intii aan ciyaartani biIaaban ayaa laba kooxood waxay kulankoodii hore ee laba toddbaad ka hor ka dhacay magaalada Paris isla dhaafi waayeen 1:1.

Daqiiqaddii 33 ayaa Ibrahimovic waxa laga saaray ciyaarta ka dib markii uu qalad u geestay Oscar,ciyaartuna waxay noqotay 11 VS 10 qof ,laakiin kooxda PSG xalay waxay soo bandhigtay adkeysi iyo ciyaar cajiiba taas oo keentay in 90 daqiiqo ay ku soo dhamaato haddana mar kale 1:1. Markaa waxa lagu daray 30 daqiiqo taas oo ku dhamaatay 2:2 ,halkaasna guushi ku raacday kooxdii PSG. Kooxda Chelsea aya xalay iska lumisay waqti badan .

XIDIGIHII CUSLAADAY EE KUBBADA CAGTA

(DBL)-Ciyaar dhaqaale loogu ururinayey hay’ado samafal ayaa waxaa ciyaarta iska hor yimid laba kooxood loo loo kala bixyey SCHOLAS VS PUPI. Labadan Kooxoodo waxaa u kala ciyaarayey xidigihii cusaaday ee caanka ku ahaa kubbadda cagta adduuna sida Diego Maradona, Carlos Veldarrama, Roberto Paggio, Allexandra del Piero. Haddaba ciyartan waxaa wacdaro ka muujiyey Maradona, taasina waxay keentay iney guushii raacdo Kooxdii Pupi oo ku badisay 6 gool , halka kooxda kale ay keentay 3 gool.